Wasiirka Adeegga Bulshada oo sheegtay in gobollada dalka laga hirgelin doono cusbitaallo


Wasiirka wasaaradda Horumarinta Adeegga Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya marwo Maryam Qaasim Axmed ayaa sheegtay in sanadkan 2013-ka ay wasaaraddeedu wado qorshe lagu hirgelinayo cusbitaallo dhexe oo ay yeeshaan gobollada dalka si loo daboolo baahida caafimaad ee bulshada.

Sidoo kale wasiirka wasaaradda horumarinta adeega Bulshada oo wareysigeeda dhinacyo badan uga hadashay ayaa iyadoo ka hadleysa horumarka dhanka ciyaaraha kala duwan ee Isboortiga Soomaaliyeed waxaa ay u hambalyaysay wiilasha Kubadda Kolayga Guushii ay ka soo hooyeen ciyaarihii Son Fife ee sanadkani lagu qabtay magaalada Darasalam ee dalka Tanzania waxaana ay sidoo kale tilmaamtay in la horumarin doono Isboortiga Soomaaliyeed.

Tan iyo wixii ka danbeeyay dowladii dhexe ee dalka waxaa meesha ka baxay guud ahaan adeegyadii danta guud waxaana soconaya haata dedaalo dowladda Soomaaliya ay ugu jirto soo celinta guud ahaan adeegyadii lagama maarmaanka u ahaa bulshada Soomaaliyeed.


Add New Comment