Wasiirka Amniga Qaranka oo loo dhaariyay xilka Wasiirnimo


Guleeeeed.jpgWasiirka Amniga Qaranka ee Xukuumda Feraalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdikariim Xuseen Fuuleed oo dalka dibadiisa ku maqnaa xiligii la dhaarinayay xubnaha cusub ee golaha wasiirada ayaa maanta si rasmi ah xilkiisa loogu dhaariyay.

Wasiiirka ayaa waxaa xilkiisa u dhaariyey Guddoomiyaha  Maxkamadda sarre ee dalka, mudane Ceydiid C/laahi Ilka-xanaf, maadaama waqtigii la dhaarinayey inta badan xubnaha golaha wasiirrada uu dalka dibeddiisa ugu maqnaa howlo shaqo.

Dhaarinta ayaa ka dhacday xarunta xafiisyada  guddiyada joogtada ah ee Barlamaanka Soomaaliya ee Villa Hargeysa, waxaana madasha dhaarinta lagu qabtay ku sugnaa Guddoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Barlamaanka Jeylaani Nuur Iikar iyo xubna ka mid ah Xildhibaannada Barlamaanka Soomaaliya.

Wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya, Mudane C/kariin Xuseen Guuleed ayaa marka loo dhaariyey xilkiisa kaddib la hadlay Warbaahinta qaranka waxa uu si kooban u sheegay in Wasaaraddiisa ay qorsheysay isbaddel quseeya amniga Qaranka Soomaaliya, dhawaanna ay soo bandhagi doonaan Barnaamijkaasi, si dalka loo xasiliyo ka hor waqtiga dowladda u haray.

Wasaaradda Amniga Qaranka  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay ka mid tahay wasaaradaha ugu muhiimsan hey’adaha laanta fulinta dowladda Soomaaliy, waxaana laga sugayaa in ay qaado tallaabooyin ku habboon xasiloonimada waddan, iyadoo lagama maarmaan ay tahay in ay si deg deg ag u soo bandhigto qorshe gaar ah oo ku saabsan dabar goynta argagixisada Soomaaliya ku dhuumaaleysaneysa.


Add New Comment