Maamulka gobolka Banaadir ayaa bilaabay mashruuc loogu talagalay in shaqo loogu abuuro dadka ku nool magaalada Muqdisho, iyadoo wajigii ugu horreeyay si tijaabo ah loogu bilaabay degmada Cabdulcaciis.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa Shan qofood oo ka socotay waaxyaha degmada C/casiis guddoonsiiyay Makiinadaha lagu qaboojiyo biyaha kaas oo qeyb ka ah mashruuc shaqo abuuris ah oo la doonayo in laga hirgeliyo Muqdisho.
Munaasabaddii qalabkaasi lagu wareejinayay oo ka dhacday xarunta degmada C/casiis ayaa waxaa goob joog ka ahaa qaar ka mid ah guddoomiyayaasha degmooyinka G/Banaadir oo uu ka mid ahaa gudoomiyaha degmada Wadajir Axmed Xasan Caddoow Daaci.
Gudoomiye Tarsan oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in qalabkaasi loogu talagalay shaqo abuuris si Shanta gabdhood ee la siiyay qalabka ay ugu ganacsatadaan xeebta Liido oo ay dadweyne farabadan usoo dabaal tagaan, qalabkana wuxuu ka koobanyahay makiinadaha biyaha qaboojiya iyo kuwa cabitaanka lagu shiido.
Mashruucan ayaa la sheegay in si tijaabo ah loogu bilaabay degmada C/casiis kadibna lagu baahindoono degmooyinka kale ee gobolka Banaadir.