Kooxo hubeysan oo suldaan caam ah ku dilay magaalada Boosaaso


Koox hubeysan ayaa maanta ku dishay bartamaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari mid ka mid ah salaaddiinta maamulka Puntland oo lagu magacaabi jiray Suldaan Muuse Faarax Muuse (Muuse Onkod).

Suldaanka oo ka mid ahaa isimmada Puntland ee ka soo jeeda gobolka Bari ayaa kooxda hubeysani waxay ku toogatay agagaarka Gaaca ee magaalada Boosaaso, sida ay Bar-kulan u xaqiijiyeen dad goob-joogayaal ah.

Dableydii dilka geysatay ayaa durbaba ka baxsatay goobta, waxaana goobta uu dilka ka dhacay gaaray ciidamada ammaanka Puntland oo billaabay baaritaan ku aaddan dilka suldaanka.

Lama garanayo cidda dishay suldaanka iyo sababta ka dambeysa dilkiisa.

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa ka tacsiyadeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Muuse Onkod, wuxuuna dilkiisa ku eedeeyay inay ka dambeeyaan dad uu sheegay inay deegaannada Puntland ka wadaan khalkhal iyo nabadgelyo xummo .

Madaxweyne Faroole wuxuu ka codsaday beesha uu ka soo jeeda marxuumka inay is dejiyaan oo ay muujiyaan dulqaad muddada ciidanka maamulka uu ka gun-gaarayaan baaritaanka ay billaabeen.


Add New Comment