Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho oo ay wehliyaan
Qaar ka mid ah ku xigeenada Gobalka ayaa maanta kormeeyay dagmooyin ka tirsan
gobalka iyagoo u kuurgalayay xalaadaha amaanka, Nadaafadda iyo Dayactirka
Waddooyinka.
Kormeerkan shaqo oo ay maanta ku tageen masuulintii ugu sareysa gobalka
Banaadir ayaa eheyd u kuurgalida bilicda iyo nadaafada dagmooyinka gobalka
Banaadir.
Duqa magaalada Muqdisho oo saxaafadda kula hadlay xaafadda Sanco ee dagmada
Yaaqshiid ayaa balan qaaday in dayactir balaaran lagu sameeyay wadooyinka
magaalada Muqdisho haatane ay socdaan.
Sidoo kale guddoomiyaha iyo ku xigeenadiisa oo ay wehliyaan qaar ka mid ah
gudoomiyeyaasha dagmooyinka ayaa soo kormeeray dagmada Hodan halkaas oo ay ka
socotay olole nadaafadeed iyo burburinta dhismayaasha sharcidarada ah ee ka
dhisnaa dagmadaasi.
Kormeerkan maanta ay ku tageen mas’uuliyiinta gobolka Banaadir qaar ka mid ah
dagmooyinka gobolka ayaa ah u kuurgalida xaaladaha dagmooyinka gobolka waxaana
guddoomiyaha iyo mas’uuliyiintii la socotay dagmooyinkii ay booqdeen ka mid ahaa
Yaaqshiid, Hodan, Warta nabada iyo dagmooyin kale.