Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr Ban Ki Moon ayaa sheegay in Golha Amaanka uu dib u eegis ku sameyn doono cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, kaddib markii dhowr jeer oo hore ay dowladda Soomaaliya codsatay in laga qaado cuna-qabateynta dhinaca hubka ah ee saaran.
Xoghayaha Guud ee QM oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri waa suurtagal in dib-u-dhis lagu sameeyo ciidamada Soomaaliya haddii laga qaado cunaqabateynta hubka, sidaa daraaddeed waa lagama maarmaan in jawaab laga bixiyo dalabyada is daba jooga ah ee ka imanaya dowladda Soomaaliya ee ku saleysan in la qaado cunaqateynta dhinaca hubka ah ee saaran Soomaaliya muddada ka badan 21-ka sano..
“ Soomaaliya waxa ay gashay isbedel cusub waxayna yeelatay dowlad cusub oo wax qabadkeedu uu muuqdo” ayuu yiri xog-hayaha guud ee QM.
Qaadista cunaqabateynta hubka ayaa waxa ay Soomaaliya u horseedi kartaa in dib loo dhiso haykalkii ciidamada qalabka sida ee aan ayagu lahayn wax hub ah oo ay kaga maarmaan ku tiirsanaanta ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM iyo kuwa Ethiopia ee ku sugan goobo badan oo ka tirsan gobollada dalka.