Taageerayaasha Madaxweynaha dalka Masar Mubaarak iyo kuwii diidan oo maanta faraha isula tagay (SAWIRRO)







Maanta waxa Magaalada Qahira ee dalka Masar ka dhacay Banaanbaxii ugu rabshada Badnaa kadib markii Madaxweyne Mubaarak uu ku dhawaaqay inuusan dib dambe isu soo sharixi doono xilka Madaxtinimada balse uu sii heynayo xilka Madaxweynenimada  tan iyo inta laga gaarayo Bisha September 2011.



In ka badan shan kun oo ka soo horjeeda Madaxweyne Mubarak ayaa xalay ku hoyday Fagaaraha Taxriir, iyagoo diidan dalabka Madaxweynaha ee ahaa inuusan xilka ka dageyn ilaa Bisha september 2001, isla markaana uusan dib dambe isku soo sharixi doono, waxay dadkaas sheegeen in aysan ka dhaqaaqi doonin fagaaraha ilaa uu Madaxweynaha iska casilo jagadaasi.


Labada dhinac ee taageerayaasha ahaa ayaa iyadoo sidaas qir iyo qir ugu kala dhex joogto ayaa waxaa mar kale ka dhex bilowday isku dhac ballaaran, iyadoo Telefishinada waa weyn laga arkayay dhagxaan iyo quraarado holcaya oo laysku tuurayo iyo gacmaha oo mararka qaar la isku tagay oo dhiig layska daadiyay.

Taageerayaasha mucaaradka oo dhiiranaan ka muuqatay ayaa iska caabin xoog leh kala hortagay Taageerayaasha Madaxweynaha oo isku dayayay inay ka saaraan fagaaraha Taxriir ayaa kusoo duulay dusha Dameero , Fardo ,Geel iyo gaadiidba  si ay u eryadaan banaan baxayaasha ka soo horjeeda Madaxweyne Mubaarak.

Madaxda Mucaaradka ayaa ka biyo diiday balanqaadka Madaxweyne Mubaarak waxayna ka codsadeen si degdeg ah inuu iskaga dago xilka Madaxweynanimo , sidoo kale qadka taleefanka ayaa Madaxweyne Mubaarak uu kula hadlay Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama wuxuuna  kula taliyey  inuu isaga  dego xukunka dalka Masar si dhaqso badan, balse Madaxweyne Mubaarak wixuu ku  adkeystay inuu haynayo Xilka ilaa ay ka dhamaanayo xilligiis oo ku eg Bisha september 2001.


Wakaalada Wararka iyo goobjoogayaal  ayaa soo sheegaya in isku dhacyadii maanta dhacay  ay sababeen dhimmasho iyo dhaawacyada aad u tira badan oo la geeyay goobaha Caafimaadka, iyadoo dadkaas u badnaayeen kuwo dhagxaanta iyo quraarada holcaya la isla dhacayay ay waxyeeleyeen




Milateriga dalka Masar ayaan ilaa iyo hada tallaabo cad ka qaadin iyagoo sheegay inaysan xoog ku maquunin doonin shacabka Masar oo ka banaanbaxaya inuu ka dago xuhkunka Madaxweyne Mubaarak.

Saadaaasha waxay sheegaysaa inuu maalmaha dhaw ee soo socda inuu Madaxweyne Mubaarak uu aqbali doono inuu iskaga dago Xukunka dalka Masar waayo waxaa kaga horyimid Shacabka iyo dhammaan dowladdaha ay ka mid yihiin Mareekanka , Ingariiska, Faransiiska, Jarmalka , Turkiga iyo Dhammaan dadka siyaasadda ku caanka ah ee adduunka, waxayna kula taliyeen in Madaxweyne Mubaarak uu sida ugu dhaqsaha badan uu xukunka kaga dago si loo joojiyo dhiigga shacabka Masar .



Banaan baxayaasha ayaa soo bandhigay Documentiyo iyo aqoonsiyo muujinaya in dadkii banaan baxayay ee taageerayaasha Madaxweyne Xusni Mubaarak ay ahaayeen Ciidamo boolis ah oo dharka shibilka soo gishtay si ay arbushaad iyo fowdo u sameeyaan.


Laakiin wasaarada Arrimaha Gudaha ayaa beeniyay warka ka soo baxay dibad baxayaasha ka soo horjeeda dowladda Masar, waxaana ay sheegtay in rabshadaha ay ka hortageen ciidamada Ammaanka.

Hadadaba  waxa ay madashu tahay maalinta Jimcaha salaada  kadib in Mucaaradka ay sammeeyaan bannaanbixii lagu ridi lahaa Madaxweynaha Masar Mubaarak waxaana la og yahay ilaa iyo hadda waxaa Madaxweyne Mubaarak inuu xiukunka ka dago kula taliyeen Madaxda  dowladdaha Yurub intooda badan iyo Obaama , wuxuuna  ku qanciyay hadii uu sida ay joogto maanta uu kaga  dago Xukunka, in gadaashiisu   Masar loo yaabo inay qabsadaan  Akhwaanul Muslimiinta mayalka adag oo ay Masar noqoto sida Soomaaliya oo kale dowlad la'aan iyo fowdo aan weligeed dhammaan.

 Run iyo been waxay  ahaataba,  waxaan looga fadhiyaa Mucaaradka maalinta Jimcaha sida ay usoo bannaan baxaan mid ku qasbi karta Masaxweyne Mubaarak inuu iska dhiibo talada dalka Masar ee uu 30 ka sanno uu soo hayay hoggaankeeda.








Add New Comment