Madaxweynaha Dalka Oo Hay’adaha Amniga Shir Kula Leh Xarunta Taliska Booliska


Madxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hay’adaha amamanka kulan kula leh xarunta taliska booliska, iyadoo kulankaasi diiradda lagu saarayo arrimaha ammaanka.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer ku tegay xarunta Taliska Booliska ayaa waxa uu haatan kulamo amniga ku saabsan la leeyahay Wasiirka amniga qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal C/xakiin Daahir Saciid Saacid iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka booliska.

Madaxweynaha ayaa markii uu taliska gaaray halkaasi salaam sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka booliska iyo kooxda musikada baambeyda.

Kulanka oo saxaafaddu ay dibad joog ka tahay ayaa waxaa lagu gorfeynayaa xaaladihii ugu dambeeyey ee amniga, iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu halkaasi warbixinno kaga dhageysanayo mas’uuliyiinta hay’adaha amniga.


Add New Comment