Ciidamada AMISOM oo ku wareejisay Dowladda KMG Maxamed Dheere oo Gacmaha ka xiran


Iyadoo muddo 24-saac gacanta ugu jiro Ciidamada AMISOM Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Dheere iyo Ragg kale, kadib markii dhowaan ay ku soo qabatay howl gal la xiriiray eedeymo iyo tuhumo ku aadanaa weerarkii lagu laayay dadkii ku banaan baxayay maalinimadii salaasada agagaarka Gurigii Hooyooyinka.

Saraakiisha Ciidamada AMISOM ayaa Dowladda KMG ku wareejisay Maxamed Dheere iyo nin kale oo la yiraahdo Cabdi Qeybdiid, kuwaasoo muddo labo cisho lagu hayay Xarunta Xalane, waxaana labadooda ahaayeen kuwo gacmaha ka xirnaa.

Kulan ka dhacay Xarunta Xalane ee fariisinka weyn u ah Ciidamada AMISOM oo ay ka qeyb galeen saraakiisha Nabad sugida iyo kuwa Booliska ayaa halkaas Dowladda waxay kula wareegtay Maxamed Dheere oo gacmaha ka xirnaa.

Taliyaha Ciidamada AMISOM Nathan Mugisha oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in weerarkii banaan baxayaasha lagu laayay ay u soo qabteen ilaa shan ruux oo uu ka mid yahay Maxamed Dheere, isagoo sheegay inay ku raad-joogaan shaqsiyaad kale.

Generaal Nathan Mugisha waxaa uu intaasi ku daray in wax dhibaato aysan u gaysan Maxamed Dheere iyo ninka magaciisa lagu sheegay Cabdi qeybdiid intii ay gacanta ku hayeen hase ahaatee markii ay Dowladda ku wareejinayeen ay gacmaha ka xirnaayeen.

Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Axmed Xasan Maalin oo isna ka hadlay ayaa sheegay inay baaritaan ku sameynayaan Maxamed Dheere iyo eedeysanayaasha kale, hadii dambiga uu ku cadaado ay sharciga soo taagayaan.

Maxamed Dheere oo isna goobta hadal kooban ka jeediyay ka hor inta aan lagu wareejin Dowladda KMG ayaa sheegay in intii uu gacanta ku jiray aan wax dhibaato ah loo geysan, isagoo iska fogeeyay inuu wax lug ah ku lahaa falkii dhacay

Waa markii u horeysay ee Saxaafada ay si toos ah u arkaan Maxamed Dheere oo katiinadeysan, kadib markii Dowladda KMG habeen ka hor ay shaacisay inay u qabatay Maxamed Dheere iyo ragg kale inay ka dambeeyaan falkaas xabsigana loo dhigo.

Wixii warar kala soco daqiiqad kasta











Add New Comment