Raisul-wasaaraha Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo ay wehliyaan xubno ka tirsan golaha wasiirrada ayaa shalay kormeer ku tagey qaar ka mid ah xarumaha iyo xeryaha ay ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku leeyihiin Muqdisho.
Ra'iisul-wasaare Saacid ayaa waxa komeerkiisaas ku weheliyey wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya mudane Cabdixakiim Maxamuud Xaaji Fiqi iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Ra'iisul-wasaaraha iyo madaxda la socotay ayaa waxa goobaha ay soo kormeereen ka mid xarunta wasaaradda gaashaandhigga oo uu ka muuqday dib-u-dhis ballaaran oo lagu sameeyey, xaruntii Guulwadayaasha, Kulliyaddii Jaalle Siyaad iyo Cusbitaalkii Xoogga.
Kormeerka ra'iisul-wasaaraha ee xarumaha ciidamada ayaa waxa ay hordhac u tahay qorshaha xukuumaddu ay ku dooneyso in ay dib u dayactirto dhammaanba xarumihii iyo xeryihii ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.
Daawo sawirrada