Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtay, iyadoo magaalada Muqdisho si weyn loogu soo dhaweeyay.
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay gudoomiyaha Baarlamanka Prof. Jawaari, mas’uuliyiin ka tirsan labada gobole ee dowladda iyo dadweyne aad u farabadna, waxaana madaxweynuhu uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka XDS.
Madaxweynaha oo saxaafadda kula hadlay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa ka waramay booqashadiisii aan rasmiga aheyn ee uu ku tegay dalka Turkiga wuxuuna xusay inuu la kulmay arday Soomaaliyeed oo wax ka barata dalkaasi.
Sidoo kale madaxweynaha ayaa soo hadalqaaday qolooyinka argagaxa gelinaya bulshadda, isagoo tilmaamay in tallaabo adag laga qaadi doono, wuxuuna dhinaca kale xusay in la joogo xilligii la soo afjari lahaa kooxda argagixisada Shabaab.
Madaxweynaha ayaa markii uu soo gaaray xarunta madaxtooyada Qaranka ee Villa Soomaaliya waxa uu u mid mid ugu qacan qaaday dadweyne aad u farabadana oo ka kala yimid degmooyinka G/Banaadirkuwaasoo iyagu halkaasi u tegay iney arkaan madaxweynaha soona dhaweeyaan.