Xafiiska Wasaaradda Warfaafinta
War Saxaafadeed 009/2011
Muqdisho
– 16 Febraayo, 2011 Dowladda ayaa xirtay shan qof oo looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen weerarkii Talaadadii lagu qaaday dadweyne
bannaanbax nabadeed ku sameynayay agagaarka Ex-Fiyoore ee magaalada
Muqisho, weerarkaas oo ay ku geeriyoodeen illaa saddex qof oo rayid ah
iyo askari ka tirsanaa dowladda.
Ra’iisul-wasaaraha,
Mudane Maxamed C/laahi Maxamed, Ku-xigeenka Ra’iisul-wasaaraha, ahna
Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane C/xakiim Maxamuud, Wasiirka Arrimaha
Gudaha & Amniga Qaranka, Mudane C/shakuur Sheekh Xasan iyo Wasiirka
Warfaafinta, Boostaha & Isgaarsiinta, Mudane C/kariim Xasan, ayaa
si wadajir ah ugu sheegay Raadiyo Muqdisho in ciidamada Dowladda oo
kaashanaya nabad-ilaaliyeyaasha AMISOM ay xabsiga dhigeen
eedeysanayaasha kala ah:
1. Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere), Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir
2. Cabdi Qeybdiid (ma aha Jen. Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid, Taliyihii Hore ee Ciidanka Booliiska)
3. Maxamed Raage Tifow
4. Cali Nuur Maxamed
5. Nuur Cali Yalaxow
Xukuumaddu
waxay xaqiijisay in eedeysanayaasha la hor keeni doono caddaaladda sida
ugu dhaqsiyaha badan, iyadoo sidoo kale Xukuumaddu ay carrabka ku
adkeysay in tani ay ka mid tahay tallaabooyinka ay ka qaadeyso sidii loo
dhameyn lahaa dhaqanka la-xisaabtan la’aanta dadka dambiyada galay si
muwaadiniintu ugu noolaadaan nabad iyo xasillooni.