Ra’iiusl Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Ethiopia


Ra’iiusl Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed iyo Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa galinkii danbe ee maanta kulan dheer la qaatay Wasiirka Arimaha Dibadda Ethiopia Mudane Tedros Adhanom Ghebreyesus iyagoo ka wada hadlay sii xoojinta xiriirka labada dal iyo kordhinta iskaashiyo kala duwan oo labada dal ay ka yeeshaan arrimaha ay kamid yihiin amniga labada dal iyo sidii Soomaaliya ay horay ugu socon lahayd.

“ Waxyaabo badan ayaa naga dhexeeya dawladaha dariska sida Ethiopia, waxaa jira caqabado saamaynaya amaanka dalalkeena oo loo baahan yahay in aan iska kaashanno. Waxaan uga mahadnaqaynaa Ethiopia oo qayb ka ah Amisom taageerada ay ka gaysanayso dhanka amaanka.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ka warbixiyay dadaalka ay dawladdiisu ugu jirto dib u dhiska hay’adaha dawladda, kaabayaasha dhaqaalaha iyo sugidda amniga dalka oo dhibaatooyin ay ku hayaan kooxaha Nabad-diidka ah, isagoo intaasi ku daray in la gaaray xiligii laga guulaysan lahaa kooxahaas isla markaana loogu istaagi lahaa dib-u-dhiska dalka.

Ra’iiusl Wasaaraha Ethiopia Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay in Ethiopia ay diyaar u tahay ka qayb-qaadashada dhinacyada amniga iyo tababarka ciidamada Soomaaliya, tedros ayaa sheegay in Soomaaliya ay u muuqato in ay soo kabanayso.

“Isbadal ayaa ka muuqda Soomaaliya xiligan, waa in aan ka hor-imaanaa kuwa ku fikiraya in Soomaaliya ay kusii jirto dhibaatada. Waxaan idinka taageeraynaa ciidanka iyo tababarada si aan looga mira dhaliyo isbadalka cusub ee Soomaaliya.” Ayuu yiri Wasiirka Arimaha Dibadda Ethiopia.


Add New Comment