Wasiirrka arrimaha dibada Fowsiyo Yuusuf oo qudbad ka jeedisay shirka gollaha Amaanka


marwoFowsiaB.jpgWasiirrka wasaarrada arrimaha dibada marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa xalay qudbad ka hor jeedisay shirka gollaha amaanka QM ee ka furmay magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Gollaha Amaanka QM oo shirka uga hadllaya arinta ku saabsan xayiraada hubka ee saaran Soomaaliya, ayeey wasiirrka arrimaha dibada Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan waxaa ay ka dalbatay xubnaha ku jira gollaha in sida ugu dhaqsiyaha badan dowladda Soomaaliya looga qaado cunaqabateynta dhinaca hubka ee saaran.

Waxaa ay sheegtay in xayiraada dhinaca hubka oo laga qaado dowladda Soomaaliya wax weyn ka tari doonto dib u dhiska ciidamada Qaranka si ay u hantaan nabad-galyada dalka Soomaaliya, taasoo ku xiran ayeey tiri in loo fasaxo dowladda hub ay dibada kala timaado.

Dowladda Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka u xusul duubaya in cunaqabateynta hubka laga qaado dowladda Soomaaliya, halka dowladdaha Franca iyo Britain siweyn uga soo horjeedaan arintan.

‘’Waxaan ka dalbaneynaa mar kale 15 dowladood ee qeybta ka ah gollaha Amaanka QM in ay ka qaadaan dowladda Soomaaliya xayiraada dhinaca hubka ah ee saaran laga soo bilaabo 1992-kii,’’ ayeey tirii Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan.

Xog-hayaha guud ee QM Mr Ban Ki Moon ayaa sheegay in dadaal dheeraad ah loo baahan yahay in lagu bixiyo sidii loo hormarin lahaa ciidamada qalabka sida, waxaana uu Bam Ki Moon siweyn ugu olaleynayaa in dowladda Soomaaliya laga qaado xayiraada hubka.


Add New Comment