Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho kula kulmay ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. Maxamed Saalex Annadiif.
Madaxweynaha iyo ergayga ayaa waxa ay ka wada hadleen xaaladda Soomaaliya iyo sidii loo dardargelin lahaa howlgallada ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM si xasilooni buuxda loogaga gaaro dhibaatada ka jirta dalka Soomaaliya.
Ergayga Midowga Afrika oo kulanka kaddib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in asaga iyo madaxweynaha Jamhuuriyadda ay isku afgarteen dhammaanba qodobbadii ay ka wada hadleen, sida ugu dhaqsiyaha badanna loo dhaqan-gelin doono wixii laysku afgartay.
Mr. Maxamed Saalex Annadiif oo hadalkiisa sii wataa waxa kale oo uu caddeeyey in xafiiskii ergada Midowga Afrika ee Soomaaliya oo horey ugu yaalay magaalada Nairobi ee dalka Kenya haatan si rasmi ah loogu soo raray magaalada Muqdisho.
Midowga Afrika ayaa ka mid noqday ururrada iyo waddamada aqoonsaday in xaaladda magaalada Muqdisho ay kasoo raysay, sidaas daraaddeedna gartay in ay xafiisyadooda ka furtaan magaalada Muqdisho si loo dhiirri-geliyo nabadda kasoo ifeysa magaalada iyo guud ahaan gobollada dalka Soomaaliya.