Guddoomiyihii Fulinta ee Ahlu suna waljameeca oo geeriyooday


ShXeefow.jpgAllaah ha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyooday Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefoow oo ahaa guddoomiyaha fulinta ASWJ, ayadoo masuuliyiin ka tirsan dowladda ay tacsi u direen.

Geerida ku timid guddoomiyihii culumaa’udiinka ahlu suna waljameeca Sheekh Maxamed Yuusuf ayaa waxaa shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amaanka Qaranka C/kariim Xuseen Guuleed ayaa tilmaamay in guddoomiyaha xalay uu qabtay xanuun kaasna uu u geeriyooday.

Sidoo kale wasiirka ayaa intaasi ku daray in madaxweynaha Soomaaliya uu amar ku bixiyay in dalka dibadiisa loo qaado guddoomiyaha haatane ay soo socotay diyaaradii qaadi laheyd.

Mudane C/kariim ayaa ehelada iyo shacabka uga tacsiyeeyay geerida ku timid guddoomiyihii culumaa’udiinka ahlu suna waljameeca isagoona xusay in uu ahaa shaqsi aad u wanaagsan.


Add New Comment