Wasiirka amniga Qaranka ayaa ka qeybgalay munaasabad tababar loogu furay askar ka tirsan Ciidanka Booliska oo lagu qabtay xarunta dugsiga tababarka ciidanka booliska Gen. Kaahiye ee Muqdisho.
Munaasabadda furitaanka tababarkan oo loo qabtay ku dhawaad 2 boqol askarti oo ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka amniga Qaranka, mudane C/lkariin Xuseen Guuleed, ku xigeenkiisa Ibraahim Isaaq Yaroow, taliyha ciidanka booliska Soomaaliyeed, iyo xubno ka kala socday saraakisiha booliska AMISOM iyo xubno kale oo ka socday Qaramada Midoobay.
Tababarkan oo ay hirgelintiisa ka qeyb qaadatay dowlada talyaaniga ayaa waxaa casharro ka bixinaya tababarayaal ka tirsan booliska AMISOM ayadoo waxyaabaha tababarka uu la xiriirana ay ka mid tahay tahay sida loola macaamiilo bushada fulinta waajibaadka saaran shaqsiga iyo kuwo kale.
Taliyaha ciidanka booliiska AMISOM Oyo-niyeko ayaa hadal uu ka jeediyeey furitaanka tababarkan ku dheeraaday muhiimadda uu u leeyahay tababarkan ciiidamada booliska Soomaaliyeed.
Generaal C/xakiin Daahir Siciid Saacid Taliyaha ciidanka booliska Somaliyeed ayaa dhankiisa sharaxaad ka bixyaay tababarkan waxaana uu sheegay in uu qeyb ka yahay qorshayaal isugu jira dib u habayn iyo horumarinta ciidanka booliska Soomaaliyeed.
Wasiirka Amniga Qaranka mudane C/kariin Xuseen Guuleed oo halkaasi ka hadlayaay ayaa si weyn u amaanay wax qabadka ciidanka booliska Soomaliyeed iyo taageerada dowladda talyaaniga ee ku wajahan dhinaca tabarrada ciidamada booliska Soomaaliyeed.