Shacabka reer Masar oo iska dulqaada xukunkii keligiis-taliye Maxamed Xusni Mubaarak(sawirro)

Kaddib banaanbaxyo isbeddel-doon ah oo socday muddo labo toddobaad ah ayaa waxaa ugu dambeyntii shacabka dalka Masar u suurtoowday inay iska dul qaadaan xukunkii ku dhisnaa keli-talisnimada ee madaxweynihii hore ee dalkaasi Mr. Xusni Mubaarak.


Shacabka Masar ayaa waxaa caawa fiidkii television-ka dalkaasi kala ninkii uu Mubaarak dhowaanta u soo magacaabay inuu u noqdo madaxwene ku-xigeenka Mr Cumar Suleymaan oo si cad u sheegay in Mr. Mubaarak uu iska casilay xilkii madaxweynenimo ee dalka Masar uuna talada dalka ku wareejiye gole sare oo ay leeyihiin ciidamada qalabka sida ee dalkaasi, golahaasoo uu hoggaamin doono wasiirka difaaca ee xukuumadda Mubaarak F.Marshal Tantaawi.

Dibad baxyada dalka Masar ayaa intii ay socdeen waxa ku geeriyooday dad fara badan, kaddib markii boliisku ay billowgii banaanbaxyada isku dayeen inay xoog ku muquuniyaan dadkii dhigayey dibadbayada, taasoo keentay inuu guud ahaanba burburo hannaankii ciidamada amaanka iyo wasaaradda arrimaha gudaha.

Dalka Masar oo ah dalka ugu dadka badan dalalka ku jira Jaamacadda Carabta ayaa waxa uu tusaale cad u yahay sida ay u weyntahay awoodda shucuubta carbeed ee dulman iyo taagdarida ay qabaan keligood taliyeyaasha sida xaaraamta ah ku heysta dalalkaasi ee shucuubtooda u horseeday dib-u-dhaca iyo ka faa'ideeysi la'aanta kheyraadka faraha badan ee uu Allaah ku manneystay.


http://cache.daylife.com/imageserve/04tPcMKczS4Mh/610x.jpglsbeddelka ka dhacay dalka Masar ayaa dunida daafaheeda waxaa looga kala arkaa siyaabo kala duwan, ayadoo dalka Masar uu xiriir wanaagsan la lahaa dalalka reer galbeedka iyo dalka Israel oo uu heshiis nabadeed la galay muddo hadda laga joogo in ka badan soddon sano.

Add New Comment