Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah
ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo ay wehliyaan
Ra’iisul wasaare kuxigeenka ahna wasiirka Gaashaandhigga C/xakiin Xaaji
Maxamed Fiqi iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka
Cabdishakuur Sh. Xasan Faarax ayaa booqday Taliska Ciidanka Daraawiishta
oo xarun u ah ciidamo lagu soo tababarayay muddo labo sano ah qeybo
kala duwan oo dalka gudihiisa iyo dibaddiisa isugu jira, gaar ahaana
Tuulada Carmo ee gobolka Bari.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa halkaasi khudbad ugu jeediyay ciidanka
Daraawiishta oo ay tiradoodu dhameyd 500 oo Askari isagoo u sheegay in
laga sugayo waajib adag, kaasoo ah xoreynta dalka iyo amni ku soo
celinta. “Waqti badan ayaa la idin geliyay, waad soo tababarateen,
waajib culus ayaana la idinka sugayaa, dhanka xukuumadeydana wey ku
dedaaleysaa sidii aad xuquuqdiina Askarnimo u heli laheydeen” ayuu yiri
Ra’iisul Wasaaraha oo ku adkeeyey ciidankaasi in aysan waxyeelleyn
dadka shacabka ah balse ay gacan qabtaan “Qofka dumarka ah ee waayeelka
ah haddii aad aragtaan gacan qabta, oday waayeel ah haddii aad aragtaana
sidoo kale gacansiiya, balse ha furanina, haddii kale waxaad
noqoneysaan dambiilayaal aan ku camal falin wixii la soo baray”.
Ra’iisul
Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale Askartan xasuusiyay in dalka
Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho ay ku sugan yihiin kooxo
Soomaali ah oo Nabad iyo dowlad-diid ah kuwaasi oo uu sheegay inay
kaashanayaan dagaalyahano Ajnabi ah oo ka soo hayaamay dalal ay ka mid
yihiin Pakistan, Afganistan iyo Jejniya, loogana baahan yahay inay ka
saaraan dalka.
Saraakiisha hoggaamisa ciidankaasi Daraawiishta ayaa Ra’iisul
Wasaaraha u sheegay in muddo labo sano ah aaney wax mushaar ah qaadan
ayna xukuumada ka rajeynayaan inay si deg deg ah ugu bilowdo mushaar,
waxaana Ra’iisul Wasaaraha oo ka jawaabaya arrinkaasi uu u balan qaaday
inay helayaan xuquuqdooda.
Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa salaam sharaf ka qaatay
ciidamadii uu soo booqday, isagoo mid mid u gacan qaaday, uguna
hambalyeeyey dedaalkooda.