Ciidanka Kenya ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa la xaqiijiyay inay ka baxaan magaalada Kismaayo ee xarunt gobolka Jubbada Hoose, halkaasoo ay 2012 ka qabsadeen xoogagga Al-shabaab.
Col. Willy Wesonga oo ka tirsan saraakiisha ciidamada Kenya ayaa sheegay in dhawaan ay ciidamadoodu ka bixi doonaan Kismaayo laguna bedeli doono kuwa ka socda dalka Sierra Leone, ciidamadana Kenyana ay ka howgelayaan gobolka Gedo.
“Tiro kooban oo ciidamada Kenya ah ayaa sii joogi doona Kismaayo,” ayuu yiri Col. Wesonga, iyadoo hadalkan uu imaanayo kaddib dibadbaxyo ay ka dhigeen Kismaayo boqolaal qof oo kasoo horjeeday ka bixitaanka ciidanka Kenya ay ka baxayaan Kismaayo.
Waa markii ugu horreysay oo ciidamada Kenya ay xaqiijiyeen inay ka bixi doonaan magaalada Kismaayo, waxaana tani ay imaanaysaa xilli maalmo ka hor ay ciidamada Itoobiya si rasmi ah ugu biireen howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.
Ciidamada Kenya oo hadda qayb ka ah AMISOM ayaa waxay si iskood ah ku soo galeen Somalia dhammaadkii sannadkii 2011, xilligaasoo ay sheegeen in ay la dagaalamayaan Al-shabaab oo ay ku eedeeyeen falal amni-darro oo ka dhacay gudaha Kenya.
Dowladda Soomaaliya ayaa sannadkii hore dalbatay in ciidamada Kenya laga bedelo magaalada Kismaayo lana geeyo ciidammo isku dhaf ah oo ka socda AMSIOM; iyadoo xilligaas lagu eedeeyay ciidamada Kenya inay taageereen mid ka mid ah hoggaamiye kooxeedyo ku dagaalamay magaalada Kismaayo.
Magaalada Kismaayo oo ah magaalo muhiim ah ayaa waxaa muddo sannado ah gacanta ku hayay Xarakada Al-shabaab, inkastoo ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya oo is-garabsanaya ay ka saareen sannad ka hor.