Shirkadda SKA Air oo howl muhiim ah oo tijaabo ah ka bilowday garoonka diyaaradaha Muqdisho (SAWIRRO)



Shirkadda SKA Air & Logistic, ayaa maanta ka billowday garoonka diyaaradaha ee Muqdisho howl tijaabo ah, waxaana ma'suul u hadlay shirkadda uu sheegay inay rajeynayaan inay howsha guud ee garoonka ay dhawaan la wareegaan.

"Howsha, aan maanta bilowday waa mid tijaabo ah. Waxaana ku billowday sugidda ammaanka garoonka, gaar ahaan rakaabka duulaya iyo kuwa soo dagaya," ayuu yiri Martin Beale oo ah ku-simaha madaxa shirkadda SKA Air ee dalka Soomaaliya.

Mr. Beale, wuxuu sheegay in qalabka ay ku shaqeynayaan ay isugu jiraan kuwo ay leedahay DKGM ah oo hadda ay howlgeliyeen iyo kuwo ay iyagu la yimaadeen, si ay howsha garoonka u fududeeyaan, wuxuuna xusay in howshan ay tijaabo uun tahay.

"Howsheenna, waxaan bilaabaynaa marka uu baarlamaanku ansixiyo heshiiskii aan xukuumadda la galnay, sidoo kalena ay ka hadlaan madaxda dowladda ugu sarreysa sida madaxweynaha Sheekh Shariif Sheekh Axmed," ayuu yiri Beale.

Shirkadda SKA Air & Logistic, oo ah shirkad fadhigeedu yahay dalka Imaaraadka Carabta, ayaa waxaa heshiiska la gashay xukuumaddii hore, inkastoo aan xilligaas lagu wareejin maamulka guud ee garoonka diyaaradaha Muqdisho.


"Shirkadda heshiis ayaan la galnay, waxaana lagu wadaa inay la wareegto guud ahaan garoonka diyaaradaha, howsha ay bilowdayna waa mid tijaabo ah," ayuu yiri Dable Biloote oo ah maareeyaha garoonka diyaaradaha Muqdisho, isagoo intaas ku daray: "Qalabka ay SKA Air ku shaqeynayso, qaar ka mid ah dowladda ayaa iska leh."

Garoonka Aadan Cadde, ayay shirkadda SKA ku casuuntay maanta wariyeyaal ka socda qaybaha kala duwan ee warbaahinta Muqdisho, waxaana xilligaas garoonka ka socday howl lagu sugayo ammaanka rakaabka duulaya iyo kuwa soo dagaya.

Maareeyaha garoonka, ayaa wariyeyaasha u sheegay, in xukuumadda cusub ay la qabsatay heshiiskii horay u dhexmaray shirkadda SKA Air iyo xukuumaddii hore, ayna rajeynayaan 90% in shirkaddan lagu wareejiyo garoonka diyaaradaha.

Ku simaha guddoomiyaha SKA Air, ayaa isaguna sheegay in qorshahoodu uu yahay mid ay ku horumarinayaan garoonka Muqdisho, si ay suugoral u noqoto inay kusoo dagaan diyaarado caalami ah.

"SKA Air, waxay keentay garoonka, qalabkii xamuulka looga dajin lahaa iyo kuwii lagu saari lahaa diyaaradaha, qalabkii lagu nadiifin lahaa musuqulaha diyaardaha, gaadiidka ay saaran yihiin jaranjarooyinka looga soo dago diyaaradaha iyo qalab kale, oo dhamaantood casri ah," ayuu yiri Martin.


Intii ay howshu socotay, waxaa garoonka kusoo dagay in ka badan saddex diyaaradood oo qaaarkood, waday jaad, kuwo qaadayay rakaab iyo kuwo kale oo tarxiil ka keenay dalka Sucuudiga.

Tarxiilka, maanta la keenay ayaa waxaa ku jiray haween qaarkood aan xirnayn dhar wanaagsan, iyo rag sidoo kale qaarkood ay feero-qaawnaayeen, waxayna si kooban ugu sheegeen dhowr wariye oo la kulmay in xalay gallinkii dambe lasoo duuliyay.

Baarlamaanka Soomaaliya, ayaan weli go'aan ka gaarin heshiiska ay dowladda KMG ah la gashay shirkadda SKA Air & Logistic, taasoo ka mid ahayd shirkado badan oo xukuumadda laga codsaday inay caddeyso heshiisyadii lala galay.











Add New Comment