Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo howlgal milateri ka wada gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa goor dhowayd la wareegay gacan ku haynta degmada Mahaddaay ee gobolkaas.
Ciidaanka ayaa saaka sidoo kale la wareegay gacan ku haynta degmada Jowhar ee xarunta gobolka Jowhar.
Wararka ayaa sheegaya inay maleeshiyadii al-Shabaab ee ku sugneyd degmada Mahaddaay ay u ruqaansatay dhinaca deegaannada Aadan Yabaal iyo Cadalle.
Mahaddaay waa degmadii saddexaad ee ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe oo ay la wareegaan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
Horey ciidamada dowladda waxay ula wareegeen degmooyinka Balcad iyo Jowhar oo ay saaka qabsadeen iyagoo aan wax iska caabbin ah kala kulmin maleeshiyadii al-Shabaab ee ku sugnayd magaalada.