Baarlamaanka Oo Gudagalay Akhrinta Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Barakacayaasha


Mudanayaasha Baarlmaanka Federaalk ah ee Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan ay ku yeesheen ku gudagalay akhrinta hindise sharciyeedka qaxootiga iyo barakacayaasha, iyada oo uu hortagay baarlamaanka Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimha gudaha iyo ammaanka Qaranka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo kulankii Baarlamaanka ee maanta shir gudoominayey ayaa khudbadiisa furitaanka uga hadlay baahida deg dega ah ee loo qabo in Xildhibaannada Golaha Shacabku gudagalaan sameynta nidaamka Axsaabta siyaasadeed, taasi oo qeyb ka ah hirgelinta lagama maarmaanka u ah tiirarka dalka lagu gaarsiinayo doorasho xor ah mudada 2016ka, ayadoo Gudoomiyaha Baarlamaankana usoo gudbiyey Xildhibaannada su’aallo Lix gaarayey oo lagama maarmaan u ah hirgelinta nidaamka Axsaabta Siyaasadeed.

Su’aallaha uu Gudoomiyaha Baarlamaanka usoo gudbiyey Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Lixda ah ayaa kala ah:- 1-Dowrka Axsaabta Siyaasadeed, 2-Ka mid noqoshada Axsaabta Siyaasadeed oo loo dhanyahay, 3-Hay’ado Dimoqraaddi ah, 4-Jiheynta Siyaasadda, 5-Ilaha dhaqaalaha Axsaabta Siyaasadeed, 6-Hanaanka iyo Geedi socodka Diyaarinta Sharciga Axsaabta Siyaasadeed.

Markaasi kadib Xildhibaannada Golaha Shacabka waxa ay gudagaleen ajandaha fadhiga Baarlamaanka ee maanta waxaana ka hor akhriyey hindise Sharciyeedka Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacaasha Qaranka Wasiirudowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane Mahdi Maxamuud Cali oo isagu Xildhibaannada Golaha Shacabka ka codsaday iney ansixiyaan Hindise Sharciyeedkan hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka baahida loo qabo darteed.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacaasha Qaranka Mudane Axmed Daahir C/kariin Nuur ayaa isaguna dhankiisa Xildhibaannada Golaha Shacabka u faah faahiyey waxyaabaha ay hay’adan qaban doonto oo ay ugu horeyso ilaalinta xuquuqda qaxootiga iyo Barakacayaasha.

Fadhiga Baarlamaanka ee maanta waa uu ka duwanaa kulammadii ugu dambeeyey ee ay Xildhibaannada Golaha Shacabku yeelanayen gaar ahaanna kulammadii ku saabsanaa Mooshinka Kalsooni kala noqoshada Xukuumadda, waayo kulammadaasi tirada Xildhibaannada kasoo qeybgalaysay waxey gaarayeen 250, balse maanta waxaa Gudoonka Baarlamaanku mudo saacado ah dib u dhigay in la helo guntanka ama Kooramka,sida uu qabana qodobka 28aad ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka Guntanka Baarlamaanku waxuu ku dhaqan galayaa aqlabiyada Baarlamaanka oo ah 50+1 tirada guud ee Golaha Shacabka, inkastoo markii dambe kulanka Baarlamaanku ku furmay 139 Xildhibaan kuwaasi oo badankood markii dambe iyagu kulanka oo socda madasha ka dareerayey.


Add New Comment