Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo
ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib markii ay safarro shaqo ku tageen
dalka Turkiga.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliyay wasiirro ka tiran
dowladda waxaana garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyay guddoomiyaha
baarlamanka, wasiirro, R/wasaaraha dalka, saraakiil ciidan, xildhibaano, iyo
dad weyne aad u badan.
Markii uu ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho Madaxweynaha oo
saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in kulamo uu la soo qaatay madaxweynaha dalka
Turkiga iyo R/wasaarihiisa ayna soo kala saxiixdeen heshiis.
Mudane Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dowladda Turkiga ay albaabada u furtay
dowladda Soomaaliya ayna diyaar u tahay sidii ay wax waliba uga caawin
laheyd.
Madaxweynaha ayaa hadalkiisa sii raaciyay in dowladda Turkiga ay soo kala
saxiixdeen heshiis ku aadan dhinaca ciidanka taas oo ay saxiixeen wasiirada
difaaca labada dal.
Dhan kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shacabka iyo dowladda Kenya uga
tacsiyeeyay dadkii ku waxyeelooway qaraxii xalay ka dhacay masaajid ku yaala
xaafadda Islii ee magaalada Nairobi kaas sababay dhimasho iyo dhaawac.
Prof Xasan Sheekh Maxamuud ayaa carabka ku dhuftay in falalka ka dhacaayo
dalka Kenya ay yihiin kuwo ay wadaan kooxda al-qaacidda oo diidan caawinta ay
dowladdaasi ka wado gudaha dalka.
Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha Soomaaliya ayaa mudo sadax maalin ah waxa
uu safaro shaqo ugu maqnaa dalka Turkiga halkaas oo uu kulamo kula soo qaatay
madaxda dowladaasi.