Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan booqasho rasmi ah ku jooga dalka Turkiga
ayaa magaalada Istambuul kula kulmay R/wasaaraha dalkaasi.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo shalay si
diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Istambuul ayaa la kulmay R/wasaaraha
dalkaasi mudane Rajab Dayib Ordugan, oo ay ka wadahadleen arrimo ku saabsan xoojintya
xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dal.
Wasiirka Gaashandhigga mudane C/xakiin Xaaji Fiqi oo ka mid ah wafdiga
Madaxweynuha ku wehliya socdaalka uu ku marayo dalka Turkiga ayaa Radio
Muqdisho u sheegay in Madaxweynaha oo la kulmay R/wasaaraha dalka Turkiga
islamarkaana ay isku afgarteen dhamaan waxyaabihii ay ka wadahadleen oo ku
saabsanaa ammaanka iyo horumarinta dhaqaalaha dalkeena.
Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud oo ayaa magaalada Ankara kula soo kulmay
madaxweynaha dalka Turkiga iyagoo halkaasi ku kala saxiixday heshiis taarikhi
ah.