Madaxweynahii hore ee South africa Nelson Mandela ayaa habeennimadii xalay ku geeriyooday gurigii uu ka deganaa magaalada Jahnesberg oo uu muddooyinkan dambe ku xanuunsanayey, dhowr jeerna la dhigay cusbitaallada waaweyn ee dalkaasi.
Madaxweynaha South Africa ee hadda talada haaya Mr. Jacob Zuma ayaa warbaahinta u xaqeejiyey geerida hoggaamiye Nelson Mandela oo ay da'diisu ahayd 95 sano jir, sidoo kalena sheegay in dalka South Africa ay maanta u tahay maalin murugo.
Mandela ayaa waxa si weyn loogu xusuustaa dagaalkii dheeraa ee uu ururkii uu hoggaamin jiray ee ANC la galay nidaamkii midab kala sooca ku dhisnaa ee ka jiri jiray dalkaasi, sidoo kale waxa hoggaamiyahaa geeriyooday lagu xusuustaa muddadii dheereyd ee uu xabsiga ku jiray iyo weliba cafiskii uu u fidiyey kuwii ka dambeeyey dhammaanba dembiyadii ka dhacay dalkaasi.
Nelson Mandela waxa uu ka mid ahaa dad tiro yar oo African ah oo ku guuleystay abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Price ee ay ku guuleystaan dadka ka shaqeeya nabadda.