Xukuumadda oo mamnuucday ka ganacsiga agabka ciidanka


Golaha wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta shirkoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen  ku sheegay in la mamnuucay ka ganacsiga agabka ciidamada.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra'iisul-wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa lagu sheegay inay xukuumaddu mamnuucday ka ganacsiga hubka, rasaasta, dharka ciidanka gaar ahaan tuutaha, booshashka iyo dhammaan qalabka ciidamada.

Shirka oo uu shir guddoominayay raysul wasaaraha ayaa lagu ballan-qaaday in la fulin doono qodobbada shirka ka soo baxay, kuwaas oo loo saaray xubno wasiirro ah.

Golaha ayaa sidoo kale isku raacay in bishan dhammaadkeeda xoolaha laga dhoofin karo maxjarka ku yaalla deegaanka Jaziira ee duleedka Muqdisho, halkaas oo in muddo ah lagu baxnaaninayay.

baaq.jpg



Add New Comment