Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh. Maxamuud ayaa aad u dhaleeceeyay una diray tacsi dhamaan muwaadiniintii ku geeriyootay qaraxii foosha xumaa ee maanta ka dhacay magaaladda Boossaaso ee Puntland.
“ Argagixisada waxaa looga guuleystay dagaalkii ay kula jireen umadda Soomaaliyeed, hadana waxeey bilaabeen in ay shacabka Soomaaliyeed meel walbo ay joogaan in ay laayaan.Insha Allah waan ka guuleysan doonaa. Waxaan eebe uga baryayaa in shacabkii maanta ku geeriyooday qaraxii foosha xumaa uu Janatul Fardowsa ka waraabiyo, Aamiin, Aamiin,Aamiin.
“Waxaan dhamaan Shacabka Soomaaliyeed ku bogaadinyaa in hal meel ay uga soo wada jeestaan ciribtirida cadawga Soomaaliya.”Sidaa waxaa yiri Madaxweynah J.F. Soomaaliya.