Wasaaradda Maaliyadda Oo Beenisay Eedeymo Ay Soo Jeedisay Hay’adda International Transparency


Wasaaradda Maaliyadda iyo Qorsheynta  Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay eedeyn ay u soo jeedisay Hay’adda Hufnaanta Caalamka oo sheegtay in Soomaaliya ay ku jirto 10ka dal ee ugu musuq maasuqa badan dunida, taasi oo ay ku sheegeen inay tahay mid been abuur ah.

Wasiir kuxigeenka Maaliyadda iyo qorsheynta ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xasan Aaden ayaa wareysi uu siiyay warbaahinta qaranka ku beeniyay eedeymo ay soo jeedisay Hay’adda Hufnaanta Caalamka “International Transparency” ee fadhigeedu yahay dalka Faransiiska, in Soomaaliya ay safka hore kaga jirto wadamada ugu musuq maasuqsan adduunka, waxaana uu intaa ku daray inaysan jirin xubin hay’adaasi ka tirsan oo mas’uuliyiinta Xukuumadda la soo xiriirtay.

“Arrintaan waa mid lagu wax yeeleynayo jiritaanka Qaranimada Soomaaliya, teeda kale maba jirto wax xiriir ah ee ay hay’adaasi nala soo sameysay, teeda kale maba ogaan karaan habka ay Wasaaraddu u shaqeyso marka ma yeeleyno in nalaga been abuurto” ayuu hadalkiisa ku daray.

Wasiir kuxigeenka waxa uu hoosta ka xariiqay in beesha caalamku ay Soomaaliya u sameeyeen balan qaad oo kaliya, islamarkaana aysan jirin wax lacag ah oo  Soomaaliya soo gaartay, waxaana uu xusay in ay gudi dabagalo arrintasi u sameeyeen, islamarkaana aysan jirin ilaa iyo iminka wax deeq lacageed ah oo Soomaaliya soo gaartay.

Maxamed Xasan Aadan mar uu ka hadlayay mushaaradka shaqaalaha dowladda waxa uu sheegay in goor dhaw ay bixin doonaan hal bil mushaarkeed, islamarkaana uu ku rajo weyn yahay in bil kale la bixin doono

Wasiir kuxigeenka Maaliyadda iyo qorsheynta ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed in ay bixiyaan cashuurta dowladdu ay ku leedahay, taasi oo uu ku tilmaamay wasiir kuxigeenku in ay gacan ka geysan karto kobac dhaqaale oo ku yimaada dhaqaalaha dalka, islamar ahaantaaana lacagahaasi loogu adeegi doono bulshada.


Add New Comment