Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u kicitimay dalka Turkiga
Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka duulay gegida dayaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayagoo ku sii jeeda dalka Turkiga.
Madaxweynaha ayaa waxa socdaalkiisa ku weheliya ku-xigeenka ra'iisul-wasaaraha ahna wasiirka arrimaha dibedda marwo Fowsiya Yuusuf Xaaji, wasiirka gaashaandhigga mudane Cabdixakiim Maxamuud Xaaji Fiqi, wasiirka maaliyadda iyo qorsheynta mudane Maxamuud Xasan Suleymaan iyo xubno kale.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa gegida dayaaradaha ku sii sagootiyey mas'uuliyiin ay ka mid ahaayeen guddoomiyaha barlamaanka mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ra'iisul-wasaaraha xukuumadda mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo barlamaanka iyo weliba saraakiisha sare ee ciidamada qalabka sida.
Socdaalka madaxweynaha ayaa waxa uu ka dambeeyey casumaad uu ka helay dalka Turkiga, ayadoo madaxda dalka Turkiga ay doonayaan in ay la kulmaan madaxweynaha iyo xubnaha dowladdiisa si ay uga wada hadlaan sii xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal.
Add New Comment
|
|
|