Golaha wasiirada oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho “sawirro”


Kulanka golaha wasiirada Soomaaliya oo uu shir gudoominayay Ra’isul-wasaare Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa waxaa uu ugu horeyn ku furmay isbarashada xubnaha golaha wasiirada wasiir ku xigeenada iyo wasiir dowlayaasha ay maalin kahor Baarlamanku ansixiyeen kuwaas oo maanta kulanka Ka qeyb galay.

Dhinaca kale maanta oo ay kasoo wareegatay markii la ansixiyay 10 ka wasiir ee xukuumadda 45 maalmood taas oo kadhigeysa in waxqabadkii ay xukuumadu balan qaaday 100-ka maalmood ay weli Kaharsantahay 55 maalmood ayaa waxa ay xukuumadu sheegtay in ay waxqabadka boqolkeeda maalmood ku dhameystireyso dhamaan waxyaabaha ay horay u ballan qaaday sida uu sheegay wasiirka Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta C/laahi Ciilmooge Xersi oo kulanku markii uu soo idlaaday lahadlay Warbaahinta Qaranka.

Sidoo kale Wasiirka ayaa tilmaamay in kulankooda maanta lagu soo hadal qaaday sidii ay golaha Wasiirada ee dhawaan la dhameystiray shaqada u qeybsan lahaayeen wasiirada, kuxigeenada iyo wasiiru dowlayaasha islamarkaana loo dardar gelin lahaa howlaha Qaranka loogana soo dhalaali lahaa Mas’uuliyadda ay dusha uriteen.

Ra’isulwasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa isna dhankiisa golaha Xukuumadda kula dardaarmay in ay muujiyaan karti iyo dadaal islamarkaana ay dhex marto wadashaqeyn ku dhisan xiriir dhow iyo daacadnimo.

GWasiirada.jpg


Add New Comment