Xildhibaannada baarlamanka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen xarunta barlamaanka ee magaalada Muqdisho ku ansaxiyay xeer hoosaadka uu ku dhaqmi doono baarlamanka
federaalka Soomaaliya.
Kulanka oo ahaa kala fadhigii 31-aad fadhigiisii Koowaad ee mudaneyaasha
baarlamanka oo ka dhacay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa
waxaa soo xaadiray 188 mudane waxaana kulanka shir guddoominayay guddoomiyaha
baarlamanka Soomaaliya.
Fadhigii baarlamanka ee maanta ayaa waxaa si weyn looga dooday qaar ka mid ah
qodobada xeer hoosaadka kaas oo ay ka mid ahayeen labiska mudanaha ka tirsan
baarlamanka iyo soo xaadirida waqtiyada ay dhacayaan kulamada.
Afhayeenka baarlamanka Soomaaliya Prof Jawaari ayaa cod gacan taag ah ugu
qaaday 11-ka qodob ee xeer hoosaadka baarlamanka kaas oo maalmihii ugu dambeeyay
ay ka doodayeen xildhibaanada waxaana xildhibaanadi ka qeyb galay kala fadhigii
maanta ay cod aqlabiyad leh ay ku ansaxiyeen dhamaan heer hoosaadka.
Mudaneyaasha baarlamanka Soomaaliya ayaa maalmihii ugu dambeeyay ka doodayay
heer hoosaadka baarlamanka Soomaaliya ee afarta sano ee soo socoto waxaana
maanta ay ku guuleysteen in ay ansaxiyaan baarlamanka.