Dowladda Jabuuti ayaa shaacisay in dabayaaqada todobaadkan la soo dhameystiri
doono tirada Ciidammada ka socda dalkaasi ee ka howlgalaya gobolka Hiiraan,
ayadoo dhanka kalena ay Dowladda Jabuuti ballan qaadday iney sii socon doonaan
tababarrada la siinayo Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya
Danjiraha Dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Mudane Dayib Dubbad Rooble oo
wareysi siiyey Radio Muqdisho ayaa tilmaamay in Dowladda Jabuuti ay xalka
Soomaaliya u aragto dib u dhiska Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed si
amniga loo xaqiijiyana ay Jamhuuriyadda Jabuuti sii wadi doonto tababarrada ay
gobolka Hiiraan ku siinayso Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.
‘’muhiimadeenu waa in laga shaqeeyo Amniga isla markaana dib loo dhiso
ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, si ay ugu filnaadaan ammaanka guud ee
dalka, Jabuutina gacan ayeey ka qaadaneysa tababarrada ciidamada’’ ayuu yiri
Danjiraha Jabuuti ee Sooamaaliya.
Danjiraha ayaa intaa ku daray in isniinta ama talaadada soo socota ay soo
dhameystirmidoonaan tirada ka dhiman ciidamada Jabuuti ugu talagashay Soomaliya
kuwaas oo gaaraya Sideed ilaa Sagaal Boqol, markaana ay si buuxda uga
howlgelidoonaan gobolka Hiiraan.
Shalay ayeey aheyd markii wafdi ka socda dalka Jabuuti oo uu hoggaaminayo
Wasiirka gaashaandhigga uu soo gaaray magaalada Beledweyne oo ay ka howlgalaan
ciidamada ka socda walaalaha jabuuti.