Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarsho) oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in sanadkani sii tagaya ay wax badan qabteen, islamarkaana ay qorsheynayaan in sanadka 2014 waxbadan oo ay dadka Soomaaliyeed ku farxaan la iman doonaan.
S/Guuto Indha qarshe ayaa waxa uu sheegay in marnaba aysan aqbali doonin in warar been ah laga fidiyo ciidanka, asagoona warbaahinta qaar uu uga digay in ay ka qoraan warar ka fog xaqiiqda, waxaana uu sheegay in loo baahan yahay wax walbo in lagu saleeyo xaqiiqda.
Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya S/Guuto Aadan Cilmi (Indha qarsho) oo hadlkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in ay qorsheynayaan in gabi ahaanba ay ka saaraan dalka meelaha ay kaga suganyihiin kooxda dhagarta badan ee Al Shabaab oo si faro ku tiris ahaa u jooga deegaano yar.
Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya ayaa gabi ahaanba ka xureeyay dhamaan gobolada dalka, iyagoo u huray dhiigooda iyo naftooda, waxaana hadda ay ku suagn yihiin kooxdaasi deegaano yar oo ka tirsan dalka iyagoo ku dhuumaaleysanaya maadaama Ciidamada Qalabka sida ay weli sii baacsanayaan kooxdaasi haraadiga ah eek ala Jabay.