TACSI - geerida naxdinta leh ee marxuum Xasan Xuseen Qaajo


inaalilaahi[1][1].jpg

tacsi-SS.jpg

Allaah ha u naxariistee waxa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyooday, laguna aasay marxuum Xasan Xuseen Qaajo oo 25 sano jir ahaa, kaddib markii uu soo gaaray dhaawac ka gadaalna uu u geeriyooday asaga oo lagu daweynayey cusbitaalka Madiina.

Geerida naxdinta leh ee marxuum Xasan Xuseen Qaajo ayaa waxa la ogeysiinayaa dhammaanba eheladiisa iyo  asxaabtiisa oo kala jooga dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba.

Haddaba maamulka shabakadda warbaahinta ee SilGor.com ayaga oo aad uga xun geerida naxdinta leh ee ku timid marxuumka ayey waxa tacsi u dirayaan dhammaanba qooyska reer Xuseen Qaajo iyo xaaskii uu ka geeriyooday, asagana waxaa Allaah loogaga baryayaa inuu ka waraabiyo jannadii Fardowsa -AAMIIN - AAMIIN-AAMIIN.

Add New Comment