Wasiiradii xukuumadda ee Kismaayo ku maqnaa oo Muqdisho dib ugu soo laabtay


Wafdigii xubnaha golaha wasiirrada ee uu hoggaaminayey wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee dhawaan booqashada ku tagay magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.

Wafdiga oo ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde Air-Port ayaa halkaasi faah faahin ku siiyay Saxaafadda iyagoo uga warbixiyay Safarkoodii Kismaayo.

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Xakiin Xaaji Max’uud Fiqi oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaciyay in inti ay ku sugnaayeen Magaalada Kismaayo ay halkaasi kula kulmeen Waxgarad ,Saraakiil iyo Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ku sugan halkaasi

Wasiirka ayaa tibaaxay in meel fiican ay umareyso arinta Jubooyinka oo la rajeenayo in Maamul wacan halkaasi loo dhiso kaas oo wax kaqabata xaaladaha ka jira Gobolladaasi Jubooyinka.

Dhawaan ayey ahayd markii Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay gaareen Magaalada Kismaayo halkaasi oo ay ku soo qaateen Muddo 2 Cisho.


Add New Comment