Dowladda Nigeria ayaa caddeysay in ay Soomaaliya u diri doonto 140 askari oo boolis ah si ay qeyb uga noqdaan howlaha lagu sugayo ammaanka ee ay wadaan ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM.
Tallaabadan ayaa timid kaddib markii ay heshiis labo geesood ah ay si wadajir ah u gaareen Ururka Midowga Afrika iyo dowladda Nigeria ooka mid ah dalalka Afrikaanka ah ee daneeya arrimaha Soomaaliya.
Guddoomiyaha guddiga nabadda iyo ammaanka ee Midowga Afrika Ramtane Lamamra ayaa heshiiska u saxiixay Midowga, halka Nigeria uu u saxiixay wakiilkeeda u qaabilsan ururka oo lagu magacaabo Bulus Lolo.
Agaasimaha nabad-ilaalinta ee ciidamada booliska Nigeria Kayode Aderanti ayaa sheegay in geynta Soomaaliya ee ciidamo booliska ah ay qeyb ka tahay tallaabada ay kaga qeyb qaadanayaan nabadda Soomaaliya.
Dabayaaqadii bishii September ee sanadkan ayaa 70 askari oo boolis ah oo ka socday Nigeria waxay gaareen magaalada Muqdisho, si ay ugu biiraan booliska AMISOM ee ka howlgalaya saldhigyada caasimadda.