Allaha unaxariistee Suldaan Cabdulqaadir Maxamuud Cali Cilmi (Baliile) oo ay xalay kooxa dhagar-qabayaal ay ku dileen degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa maanta lagu aasay duleedka degmadaasi, iyadoo aaskiisana ay ka qeyb galeen xildhibaano, mas’uuliyiinta degmada Afgoooye, mas'uuliyiinta gobolka iyo Saraakiil ka tirsan hay’adaha ammaanka.
Dadweynaha ku dhaqan degmada Afgooye iyo degaannada ku xeeran ee ka qayb galay aaska marxuumka ayaa waxa ay si weyn u muujiyeen sida ay uga xun yihiin dilkaa lagula kacay Suldaan Cabdulqaadir Baliile oo ka mid ahaa golaha guurtida degmada Afgooye.
Dhammaanba dadkii ka qayb galay aaska marxuumka ayaa waxa ay Allaah uga baryeen in uu ka waraabiyo jannadii Fardowsa, eheladiisana in uu sabar iyo iimaan ka siiyo, waxayna intaa ku dareen in gobolka Shabeellaha Hoose laga tebi doono doorkii uu suldaanku ku lahaa nabadeynta degaannada gobolka oo dhan.
Xildhibaan Cali Yuusuf Cusmaan (Cali Ganey) oo ka mid ah xildhibaannada ka soo jeeda gobolka Sh/hoose isla mar ahaantaana ay asaga iyo marxuumkaba ka soo wada jeedeen beesha Silcis Gorgaate ayaa ciidamada ammaanka degmada iyo kuwa gobolkaba ugu baaqay in dabagal lagu sameeyo kooxihii fal-dembiyeedkaasi ka dambeeyey, lana horkeeno caddaaladda.
Saraakiishii halkaasi ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen in gacanta ay ku soo dhigayaan dhagar qabayaashii ka danbeeyay dilka Allaha u naxariistee Suldaan Cabdulqaadir Maxamuud Cali (Baliille) oo caan ka ahaa dalka islamarkaana ka mid ahaa salaadiinta beelaha Soomaaliyeed, iyagoo rajo wanaagsan ka muujiyay soo qabashada dembiilayaashii ka danbeeyay weerarkaasi bahalnimo.