Hoggaamiyaha KMG ah ee maamulka magaalada Kismaayo Sheekh Axmed Maxamd Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in aanu jirin khilaaf ka dhexeeya maamulka Kismaayo iyo dowladda federaal-ka ah ee Soomaaliya.
Sheekh Axmed Madoobe waxa uu sheegay in mad-madowgii ka dhex jiray labada dhinac uu dhammaaday, xiriirka ka dhexeeya maamulka KMG ah iyo dowladda federaal-kana uu yahay mid wanaagsan.
Sheekh Axmed Madoobe ayaa warbaahinta gudaha ku eedeeyay inay buun-buuniyeen warar aan sal iyo raad lahayn, wuxuuna xusay in warbaahinta looga baahan yahay inay ka shaqayso nabadda.
Dhinaca kale, afhayeenka ururka Raaskambooni Cabdinaasir Seeraar ayaa sheegay in wafdigii dowladda ee shalay Kismaayo tagay ay xalay ku hoydeen magaalada, wuxuuna Bar-kulan u sheegay inay kala hadleen ammaanka uu ku jiro iyo sidii loogu qaban lahaa dadka ku dhibaataysan gobolka Jubbada Hoose.
Waxa uu sheegay inaanay ka wada-hadlin arrinta maamul u samaynta gobollada Jubbooyinka oo uu sheegay inay ku salaynayaan dastuurka dalka.
Sidoo kale waxa uu sheegay in aysan ka wada-hadlin in ciidamadooda ay ku biiraan kuwa dowladda.
Wafdiga ay ku jiraan wasiirka cadaaladda iyo garsoorka Cabdullaahi Ebyan,wasiirka gaashaandhigga, Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, wasiirka arrimaha gudaha, Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo wasiirka warfaafinta Cabdullaahi Cilmooge Xirsi ayaa shalay booqasho ku tagay magaalada Kismaayo.