T A C S I
Maamulka iyo howlwadeennada shabakadda wararka ee SilGor waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Allaah ha u naxariistee Suldaan Cabdulqaadir Maxamuud Cali Cilmi (Baliile) oo maanta oo Jimce ah ay niman dembiilayaal ah ku dileen gudaha degmada Afgooye oo uu deganaa.
Sidoo kale waxa tacsi taas la mid ah diraya Midowga Jaalliyadaha beesha Silcis Gorgaate oo aad uga xumaaday fal-dembiyeedka lagu dilay marxuumka oo sida la wada og yahay ahaa nin nabadeed oo aan weligiis cidna dembi ka gelin, qayb weynna kasoo qaatay howl fara badan oo lagu raadinayey nabadeynta degmadaasi.
Si gaar ah ayaa waxa tacsida marxuum Suldaan Cabdulqaadir Baliile lagu dirayaa carruurtiisa, walaalihiis, eheladiisa iyo asxaabtiisa, waxaana Allaah loogaga baryayaa in uu jannadii Fardowsa ka waraabiyo, eheladiisa iyo dhammaan dadka reer Afgooyena uu sabar iyo iimaan ka siiyo. AAMIIN - AAMIIN - AAMIIN.
Mujrimiintii ka dambeeyey dilka marxuumka ha ogaadeen in goor ay noqotaba gacanta lagu soo dhigi doono, lana hor geyn doono cadaaladda, insha'Allaah.