Dowladda Jabuuti oo qalab ugu deeqday dekedda magaalada Muqdisho


Wasiirka Wasaarada Howlaha guud, gaadiidka, badda iyo dakadaha Muxyadiin Maxamed Kaalmooy oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in qalab casri ah oo loogu tala galay dakadaha waa weyn ay dowladda Jabuuti ugu deeqaday Soomaaliya taasi oo qeyb ka ah gacan siinta Jabuuti ee Soomaaliya.

Muxyadiin Maxamed Kaalmooy ayaa sheegay in qalabkan ay aad ugu baahi qabtay dakada Magaalada Muqdisho waxana uu tilmaamay in qalabka Jabuuti ay ku deeqday ay ka midyihiin qalabka lagu soo jiido maraakiibta marka ay soo xiranayaa iyo kuwo sii jiida marka uu baxayo iyo qalabyo kale.

Wasiirka ayaa carabka ku dhuftay in Jimcaha soo aadan isaga iyo wafidi uu hogaaminayo oo uu ka midyahay maareeyaha dakada ay u baqooli doonaan dalka Jabuuti halkaasi oo ay kaga soo gudoomi doonaan dowladda jabuuti qalabka ay ugu deeqday dakada Magaalada Muqdisho.

Mr. Kaalmooy ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Jabuuti ay siminaaraad tababar ah u furi doonto qaar ka mid ah shaqaalaha dakada si ay awood ugu yeeshaan in ay ku shaqeeyaan qalabka casriga ah ee ay Jabuuti ugu deeqday dakada Muqdisho.

Dhanka kale Wasiirka Wasaarada Howlaha guud, gaadiidka, badda iyo dakadaha waxaa uu sheegay in ay wadaan qorshaayaal dalka dib loogu dayactirayo islamarkaana shirkado badan aya isi soo diiwaan galiyeen kuwaasi oo doonaya in ay ka qeyb qaataan dib u dhiskan dalkan mudada 20-sano kabadan bubursanaa.


Add New Comment