War ay soo saartay dowladda Mareekanka ayaa waxaa looga digay Muwaadiniinta ka
soo Jeeda dalkaasi in ay usafraan dalka Soomaaliya halkaas oo dhawaan looga
dhawaaqay dowlad Cusub oo aan KMG ahayn.
Mareekanka ayaa waxa uu Muwaadiniintiisa uga digay in ay Soomaaliya aadaan
taas oo ka dambeysay Baqdin laga qabo in ay kala kulmaan dil,afduub iyo Qaraxyo
halakasi loogu geesto Muwaadiniinta Mareekanka.
Digniintaan dowladda Mareekanka ayaa saameyneysa Safaradda Muwaadiniintaasi
Mareekanka ee Biyaha Soomaaliya taasi oo la tibaaxay in qatarteeda ay leedahay
sida in burcad badeedu afduubyo halkaasi ugu geysan karaan.
Mareekana waxa uu ugu tala bixiyay Muwaadiniintiisa in xitaa haddii ay
huriweyso aadista Safarada Soomaaliya in la kireesto ilaalada Gaarka ah si
feejignaan dheeri ah loo Muujiyo.
Warbixinta ayaa lagu xusay Xarakada Al Shabaab oo iyadu ku biirtay Ururka Al
Qaacida taasi oo la sheeegay in ay halisteeda wadato.
Waxaa Sidoo kale warbixinta lagu soo qaatay Qaraxii Markii la doortay
Madaxweynaha lagula eegtay Hodheel Jazeera ee Magaalada Muqdisho taasi oo lagu
Muujiyay in ay tahay baqdin hor leh oo ku qasbeysa Xukuumadda Washington in
Muwaadiniinteed kala baqdo ku safrida Soomaaliya.
Ugu dambeyn warbixinta ayaa lagu xusay in haddii Muwaadiniintu ay u safrayaan
Soomaaliya ay iska soo diiwaan Galiyaan Safaaradda dowladda Mareekanka ee
Magaalada Nairobi Cariga Kenya