Kulan looga hadlayay ammaanka oo ay ka qeyb-galeen mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiil ka tirsan AMISOM ayaa maanta lagu qabtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Kulanka oo ahaa mid ay albaabbadu u xirnaayeen ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah.
Ku xigeenka guddoomiyaha amniga ee gobolka Hiiraan Axmed Cabdalla Cismaan (Inji) ayaa la hadlay warfidiyeennada kaddib markii uu kulanka dhammaaday.
“Waxaan ka wada hadalnay sidii loo xoojin lahaa ammaanka magaalada Beledweyne, annagoo isku waafaqnay inay boolisku howlgallo ka sameeyaan dhammaan xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada,” ayuu yiri Inji.
Wuxuu intaas raaciyay in saraakiil ka tirsan AMISOM ay tababar dhowaan u furi doonaan ciidanka maamulka gobolka.
Inji wuxuu ugu baaqay dadka inay deg deg uga baxaan xaruntii hore ee maxkamadda gobolka si loo howlgeliyo maxkamadda.