Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta diiday miisaaniyadda sanadka 2013 oo ay xukuumaddu dhowaan soo gudbisay, taas oo ay soo diyaarisay wasaaradda maaliyadda.
Xildhibaannada baarlamaanka ayaa maalmihii la soo dhaafay ka doodayay miisaaniyadda.
Kulanka maanta oo ay soo xaadireen xildhibaanno gaaraya 154 mudane oo uu shir-guddoominayay guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa dood dheer kaddib, waxaa lagu go’aamiyay in codka kalsoonida ah loo qaado miisaaniyadda.
Xildhibaanno gaaraya 54 mudane ayaa oggolaaday in miisaaniyadda la meel mariyo iyadoo ay diideen 70 xildhibaan, waxaana hoolka shirka ka maqnaa markii codka loo qaadayay miisaaniyadda 30 mudane, oo markii uu shirku furmaayay goobjoog ahaa, sida uu sheegay guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan.
Xildhibaannada qaar ayaa ku andacoonayay in miisaaniyaddu aanay isku dheellitirneyn, isla markaasina ay kharashaad badan ku bixineyso meelaha qaar, oo aysan xildhibaannadu jecleysan qaabka loo soo diyaariyay.