Booliiska Rotterdam ee dalka Holland ayaa xirxiray 12 ruux oo Soomaali ah kuwaasoo looga shakiyay ianay wax qarxiyaan


War ka Soo baxay Booliiska wadanka Holland Laanta u Qaabilsan Amaanka gudaha dalka  waxa ay Sheegeen in ay Soo QabQabteen 12 ruux oo Soomaali ah Kadib markii looga shakiyay inay falal argagixiso ay ka sameyn rabeen gudaha wadankaasi.


Warar ay qoreen wargeysyada dalka Holland ayaa sheegaya in Booliska dadkaasi ay heleen warar sir ah oo qatar ku ah ammaanka dalka kadibna waxay bilaaween in dadkaasi Soomaalida ah ay kasoo uruuriyaan Dukaamo goobo ganacsi ah iyo Hotello.

Markii 12 nin la soo qabtay ayaa waxa ciidamada Boolisk ee wadankaasi waxay baaris ku sameeyeen oo ay gudaha u galeen guri iyo 2 hotel oo Soomaalida leedahay iyagoo ka baaray wax hub ah  hasa ahaate waxba lagam helin .


Dhallinyarada la qabqabtay  dhammaantood  waa rag , waxaana  la sheegay inay da'doodu u dhexeysay 19-sano ilaa 48-sano, iyadoo lix ka mid ah ay daganaayeen Rotterdam, shanta kalana waxaa laga waayay  mid haystay dhalashada dalka Denmark iyo Cinwaanka halka ay lu nool yihiin.

Add New Comment