Wafdigan uu hogaaminayay Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya oo ka
koobnaa Xildhibaanno iyo Odayaal dhaqameed ayaa galinkii dambe ee shalay
dib ugu soo laabtay Magaalada muqdisho ka dib muddo saddex maalmood ah
oo ay howlo dhex dhexaadin ah u joogeen deegaanno ka tirsan Gobolka
Shabeellada Hoose.
Xubnaha wafdiga ayaa mudada ay booqanayeen Gobolka waxa ay socdaal ku soo kala
bixiyeen degmooyinka janaale iyo Number 50 ka dib markii ay dagaal
beeleedyo ay ku soo lab laabteen maalmihii ugu dambeeyay inkastoo
wafdigu uu ku guuleystay inuu kala qaado maleeshiyaadkii is horfadhiyay
islamarkaana maleeshiyaadkaasi ay ku xareeyeen Xerooyin ay ciidamada
milateriga ku leeyihiin gobolka shabeellada hoose si loo Qaramaeeyo.
Wasiirka
difaaca C/Xakiim Xaaji Faqi oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in
safarka wefdigaasi guul ku soo dhamaaday isagoo sharaxaya waxyaabaha ay
isla meel dhigeen, isagoo sheegay halka lagu dagaalamay ay geeyeen
Ciidamo nabadda suga oo AMISO iyo kuwa Soomaali ah.
Sidoo kale
Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada hoose C/qaadir Siidii ayaa soo
dhaweeyay guulaha uu wefdiga ka socda dowladda ka gaaray xallinta
khilaafaadka iyo dagaal beeleedyada halkaasi dhawaan ka dhacay.
Xildhibaan
Cumar maxamuud Cumar finish oo ku hadlayay magaca xildhibaannada
xubanha ka ahaa wafdiga Dowladda ee tagay Shabeellada hoose ayaa soo
dhaweeyay sida uu wafdiga ugu guuleystay in maleeshiyaadkii la kala qaado si xal waara loo gaaro.
Xubnaha
wafdiga ayaa muddadii ay joogeen Gobolka Shabeellada hoose waxa ay soo
booqdeen Goobo dab la qabad siiyay sida guryo,Goobo Ganacsi , iyo
Makiinnado si gaar ah loo leeyahay, kuwaasi oo ku yaalla degmada number
50. Iyadoo dadka ku hantida beelayna ay ka codsadeen dowladda
federaalka ah iyo hay’adaha samafalka ka shaqeeya in ay u soo gurmadaan
maadaama aysan haysan wax ay ku noolaadaan iyo hooy ay degaan intaba…
Dowladda
Soomaliaya ayaa juhdi iyo dedaal dheer ku bixisay xallinta khilaafaadka
ku salleysan is qab qabsiga beelaha iyadoo wafuud kala duwan u dirtay gobollo kale oo ka baxsan gobolka shabeellada hoose sida Hiiraan iyo Shabeellada dhexe.