Wasiirka adeegga bulshada oo qalab ku wareejisay maamulka isbitaalka Keydsaneey


Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Adeegga Bulshada marwo Maryan Qaasim Axmed ayaa maanta kormeertay, qalab caafimaadna ku wareejisay Isbitaalka Keysaneey ee magaalada Muqdisho.

Qalabkan maanta lagu warejiyay Isbitaalka Keysaneey ayaa waxa uu ahaa mid loogu talagalay qaliinka waxaana ku wareejiyay wasiirka adeega bulshada xukuumada Soomaaliya.

Maryan Qaasim Axmed ayaa maamulka Isbitaalka ku wareejisay qalabka waxa ayna sheegtay in uu ahaa mid ay keentay dowladda aynu walaalaha nahay ee Jabuuti kaas oo loogu talagalay si wax loogu qabto shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa xustay in qalabka iyo dawada uu ku wareejiyay guddoomiyaha baarlamanka Jamhuuriyadda Jabuuti xili uu booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.

Maamulka isbitaalka Keysaneey ayaa ugu mahadceliyay wasiirka adeegga bulshada qalabkii ay ku wareejisay isbitaalka wax ayna qeexeen in uu wax weyn u qaban doono xaalada dadka u baahan qaliinka.


Add New Comment