Wasiirka Maaliyadda: dhaqaalo badan ayuu ubaahanyahay howlgalka ka dhanka ah Al Shabaab


Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda federaalka Soomaaliya Max’uud Xasan Suleymaan oo shalay qudbad ka horjeedinayay Fadhiga Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in loo baahanyahay dhaqaalo loo qoondeeyo Sugida ammaanka deegaanadda lagala wareegay Al Shabaab iyo kuwa haatan qorshuhu yahay in laga saaro Al Shabaab.

Wasiirka ayaa xusay in Miisaaniyadda Xukuumaddu ay soo diyaarisay taasi ay muhiimad siin doonto si ay usahlanaato agabka iyo tayada Ciidanka howlahaasi qabanaya.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in dakhliga dowladda ay uqoondeyun Doonto Degmooyinkaasi ay kala badnaan doonaan sida Degmooyinka ay ukala baaxda wenyihiin waxaana Wasiirku uu sheegay in taasi looga golleeyahay sidii loo sugi lahaa ammaanka iyo Nabad Galyada Guud ahaan Degmooyinka iyo Deegaannada dowladdu gacanta ku dhigtay.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya aya sidoo kale tibaaxay in daqli fara badan uu ku baxayo Safaaradaha Soomaaliya ay ku leedahay dalalka Caalamka sida uu hadalka udhigay isagoo tilmaamay in hadda ay Magacaabanyihiin illaa 49 Safaaradood oo dalku uu ku leeyahay qaybo Caalamka ka tirsan.

Wasiirka ayaa xusay in haatan dib udhis uu ku socdo Safaaradaha Qaar ee Soomaaliya ay Caalamka ku leedahay kuwaasi uu sheegay in qayb ka mid dhaqaalaha loo qoondeyn doono.

Miisaaniyaaddaan Xukuumaddu ay hor geysay Baarlamaanka ayaa weli aan wax go’aana aan laga gaarin xilli Wasiirka Maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya uu sharaxaad dheeri ah shalay ka siiyay Xildhibaanada Baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyadoo kulankii shalay ee looga doodayay ajandahaasi uu ku soo idlaaday buuq iyo sawaxan hareeyay Hoolka Shirarka Baarlamaanka.


Add New Comment