Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya marwo Fowziya Yuusuf xaaji Aadan oo kamid aheyd 6 wasir arrimo dibadeed oo oo kasocda dowlaha xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD islamarkaana dhex dhexaadin uu urur goboleedka igad ugu diray sudaanta koofuureed oo maalmihi lasoo dhaafay ay dagaalo kasocdeen ayaa saakay kasoo dagatay gigida dayuuradaha ee adan cadde waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay masuuliyiin katirsan wasaarada arimaha arimaha dibada,
Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan Wasiirka arrimaha dibada Somalia oo qeybta nasashada ee garoonka diyaaradaha kula hadashay warbaahinta ayaa warbixin ka bixisay wax yaabihi uga qabsoomay howsha dhex dhexaadinta ah oo ay qaar kamid ah wasiirada arimaha dibada ee dowladaha ku bahoobay igad ku tageen magaalada jubbba ee xarunta suudanta koofureed.
Wasiirka arimaha dibada Somalia ayaa ka hadashay xaalada amni ee soomaalida ku nool dalka koofurta suudaan waxayna tilmaamtay in inti ay ku sugneyd magaalada juba ee xarunta dalkaasi ay xooga saartay sidii ay san somalidu u sameyn laheyd colaada ka jirta dalkaasi iyadoo carabka ku dhufatay fowzia yuusuf in ilaa inta ay ogtahay ay dagaalada kasocda dalka koofurta sudan ku dhinteen 2 qof oo Somalia ah midna uu ku dhaawacmay balse ay hadda ku guuleysatay in la xaqiijiyo amniga somalida.
Waa arin taariikhi ah somaliana guul weyn u ah in mar kale uu dalka Somalia uu kusoo laabto kaalinta uu ku lahaa dalalka Afrika waxayna tusaalo u tahay in dowladeenu ay ka qeyb qaadato sidii loo joojin lahaa dagaalka kasocda dal kamid ah qaarada afirica in Somalia maalinba maalinta ka dambeysa ay gaareyso hormar muuqda.