Roobab Dabaylo Wata oo ku Wajahan Xeebaha gobolka Bari ee Somalia


hornB.jpgRoobab xoog badan oo dabeylo wata ayaa la saadaalinaayaa inay ku soo wajahan yihiin xeebaha gobolka Bari ee dalka Soomaaliya, gaar ahaan degmada Caluula iyo degaannada ku dhow dhow.

Duufaantan oo ku socota xawaare u dhaxeeya 30-ilaa 40 mile saacaddiiba ayaa la saadaalinayaa in marka ay dhulka soo gaaraan uu xowligeedu is dhimi doono oo uu noqon doono 18 mile.

Maxamed faarax Jaamac ‘Qeybdiid’ oo horey guddoomiye uga ahaa degmada Caluula haatanna ka tirsan caaqillada degmadaas, ayaa VOA uga waramay duufaanta la saadaalinayo iyo xaaladda degmada Caluula iyo tuulooyinka u dhow dhow ay haatan ku sugan yihiin.

Add New Comment